BAROMETER SOMALI

CABIRAADDA ARAGTIDA WAALIDKA 2018

WAALIDKA CARRUURTA DUGSIGA HOOSE

 

 

0. INTRODUCTION

Wada shaqeynta waalidka iyo dugsiga ama iskuulka waxay muhim u tahay ku qanacsanaan iyo guul ka gaarista ilmaha ee iskuulka. Suomen vanhempainliitto iyo Förbundet Hem och Skola iyo Åbo akademi waxay isla baarayaan aragtida waalidka carruurtooda dhigato dugsiga hoose sida iskuul aadista, wadashaqeynta guriga iyo iskuulka iyo weliba ka qeybqaadashada waalidka ee howlaha iskuulka. Waa maxay aragtida waalidka ee iskuul aadista cunnugooda/cunnugtooda iyo wadashaqeynta iyaga iyo iskuulka? Cabiraadda aragtida waalidka waxay u suurogelineysaa madaxda sare, shaqaalaha iskuulka, waalidka iyo ururka waalidiintab in la helo warbixin muhim u ah oo ku aadan aragtida wadashaqeynta waalidka iyo iskuulkaba. Su’aalahan waxay kaloo caawinayaan ururka waalidiinta iyo Förbundet Hem och Skolaa si ay u qorsheeyaan wax qabadkooda. Waa arrin muhim ah in iskuulku ogyahay, aragtida waalidka uusan finnishka ama swedishku aheyn afkooda hooyo fakerkooda ku aadan iskuul aadista ilmahooda, iyo weliba wadashaqeynta guriga iskuulka. Taageerada Svenska Kulturfond ee Finland ayaa sidaa darteed su’aalaha sanadkaan lagu turjumay luqadaha kale ee ugu dad badan dalkan.

Ka jawaab su’aalahan adigoo madaxa ku haya iskuul aadista ilmahaaga iyo iskuulkaba. Haddii dhowr ilmood dugsiga hoose kuu dhigtaan, dooro hal kaliya si aad isaga/iyada ugu jawaabtid. Haddiise adigu rabtid inaad u jawaabtid dhowr cunug, mid kasta waa inaad ugu jawaabtaa foom gaar ah. Su’aalahan waxaa looga jawaabayaa adigoon is-sheegeyn, lamana aqoonsan karo qofka jawaabay.

Ka jawaabidda su’aalaha waxay furan tahay ilaa 31.10.2018. Ka jawaabidda su’aalaha waxay qaadaneysaa ilaa 15 daqiiqo. Uga jawaab su’aalaha adigoo X ku dhufanayaa, dooranayan tan fikirkaaga ugu dhaw.  Ugu dambeyn xusuuso inaad jawaabtaada soo dirtid adigoo riixaya”Lähetä”

Waad ka qeybqaadan kartaa tartanka kaar haddiyadeedka 100 euro ah, adigoo buuxinaya sida laguula soo xirriayo markaad jawaabta soo dirtid ka dib.

! Aragtidaadu muhim bay noo tahay! Aad baad ugu mahadsan tahay inaad ka qeybqaatay!

 

Ulla Siimes

Agaasimah fulinta

Suomen Vanhempainliitto Ururka waalidiinta

gsm 040 553 0981

 

Micaela Romantschuk

Agaasimah fulinta

Förbundet Hem och Skola

gsm 050 336 2016

 
Page 1 / 7